Madaxweyne dharbaaxo Rag bey kugu dirta ee kaamo dhiciso.
Mudane Madaxweyne,
Aqoonta aan kuu leeyahay, waxaan si buuxda u oran karaa inuu
dhab kaa yahay dareenkaada iyo khudbadaha kala duwan ee aad jeedisay. Waxaan hubaa
iney run kaa tahay caadifaadaas. Marqaati ayaan u ahay, muddo xileedkadi
koobaad in damac kasta laguu sheegay si aad tanaasul ugu sameyso qodobo
taabanayey dhulka iyo bada somaliya,
maantana kalsooni taas la mid ah baan ku qabaa inaad saxiixeynin wax taabanaya
gobanimada qaranka.
Mudane Madaxweyne,
Aqoonta kale ee aan kuu leyahay waxay tahay inaad si saa’id
ah gaabis u tahay, go’aanadaadu jilicsanyihiin, culayska khudbadahaagu
cagajiidka tallaabo qaadkaagana isma lahan. Somalidu waxey kuugu maahmaahdaa
dharbaaxo rag bey kuugu dirtaa, ee kaama dhiciso.
Madaxweyne, hadalladaadu aad ku khudbeysay, hadalo ka culus
oo la oran lahaa ma jirto. Waxaad ku dhawaaqday kalmado dagaal oo duulaan
hubeysan soo dadajin karay, lakin nasiib daro diyaar garowgeedii kaama muuqdo.
Itoobiya waxaa u dhiman oo kaliye waa iney lugaha soo dhigto
xeebaha somaliya, oo ciidan iyo cudud keensato, intaan ogahayna qorshahaas aa
udiyaarsan yahay, weyna ku dhaqaaqayaan, colkana ka hortag buu ku qurxanyahay.
Mudane Madaxweyne,
Waxaan hawada kusoo marinayaa talaabooyinkan oo dhamaantood
ka hortag ah.
1.
Itoobiya
si buuxda uga jar xiriirka diblomaasi, sidaasna xiriirka ha ujarnaado ilaa aay noqoneyso
heshiiska aan dhaqan galka aheyn ee aay la gashay maamulka aan sharciga aheyn.
2.
Ciidan
itoobiya ee dalka joogo kuwooda ATMIS kamid ah iyo kuwooda aan ka mid aheyn
labaduba dalka ka saar, muddo ay dalka ugu baxaana u qabo. Hadii aay ka bixi
waayaana haloo aqoonsado ciidamo gumeysi ku jooga dalka. Mudadaas loo qabtay iney
dalka ugu baxaan, wxaad raadsataa dalkii buuxin lahaa goobaha ay ka baxayaan
weyna jiraan wadamo diyaar u ah iney booskaas buuxiyaan.
3.
Dowlda
iney qaado olole diblomaasiyadeed oo dalalka afrika kusoo wareega oo ka
dhaadhiciya in midowg afrika xarunteeda laga raro addis ababa, bacdamaa aay ku
xadgudubtay xerarkii u dagsanaa ururka.
4.
In
hawada somaliya laga xidho duulimaadyada diyaaradaha laga leeyahay ama ka diwan
gashan dalka itoobiya.
5.
Dalalka
aan walaalaha nahay sida Turkey, Ereteriya iyo Masar axaad lasoo gashaa iskashi
difaac, waxaana dalka ka siisaa saldhigyo milatari si ay qeyb uga noqdaan
amniga gobalka, amniga badda cas iyo gacanka cadmeed.
Mudane Madaxweyne,
Waxaad isku haleysaa rabigaa iyo
ummadaada, waxaadna ogaataa awoodaha aad leedahay iney ku filan yihiin difaaca
dalka. Si sahal ah baad uga hortagi kartaa damaca gurracan ee ittobiya, waase
hadii aad isku tashato.
Marna ha moodin taageero iyo xoog
dibadda kaaga imanaya inuu joojin karo damaca waalan ee Abiy Ahmed. Dunida mar
albo waxay oran doontaa xaalada hala dajiyo, xitaa mark ciidan itoobiya aay
xeebaha somaliya yimaadaan oo aay qabsadaan.
Mudane Madaxweyne,
Naxariista caalamka ha sugin, hana ku
tashan ee waxaad sacabadaada ka buuxsan kartid iyo kaararka culculus ee
gacantaada ku jiro isticmaal oo daafac iyo duulaan ka dhigo.
Mudane Madaxweyne,
Marka gobannimadu dalka lagu soo xad
gudbo waxaa qarsoomay muxaafad iyo mucaarad. Sidaas awgeed waxaan diyaar unahay
inan ku garab galno, cadawga dalkana aad tusto dadkaaga oo mideysan. Waxaase Khasab
ah in la arko hogaamintaada o oleh karti ay ku uruuriso awoodaha kala duwan eek
u dhex duugan dadka Somaliyeed.
Haddaba Akhristow side u aragtaa Talada uu Agasimihii hore NISA uu ujeediyay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.
0 Comments