Xaalka doorashada Puntland, goankii deni, Codeynta muddo kororsi ee barlamanka, mustaqbalka khaatumo & dareenka villa Somalia.
Madaxweynaha Puntland Siciid Abdulaahi deni ayaa xalay ku
dhawaaqay in Puntland aay ujiheysatay hirgalinta doorasho lamid ah tii
mandiqada ka qabsoomi jirtay 25 kii sano ee Puntland jirtay, taasoo odayaasha
dhaqanka aay soo xulayaan xildhibaanada
golaha wakiilada oo iyagana sii dooranaya gudoonka iyo madaxweynaha iyo
madaxweyne ku xigeenka, waxa uu sheegay inuu laalay damaciisii la xariiray
toobiyaha dimuqoraadiyada oo aay si ba an ugu horyimaaday dhinacyo kala duwan,
kaasoo siyaabo badan fasir looga bixiyay, Siciid Deni oo ka hadlaayay munaasab
ka dhacday madaxtooyada garowe ayaa xusay soo saarida lifaaqa shanaad ee
dastuurka Puntland ee qabsoomida doorashooyinka kaasoo aay golaha wakiilada
meel mariyeen oo soo magacaabi doono gudiga xalinta khilaafaadka, isagoo usoo
jeediyay odayaasha dhaqanka udiyaar garoobaan soo xulida xildhibaanada cusub,
waxa uuna sheegay in si ba an ugu xunyahay dhamaan talaabooyinka lagu hor
istaagay geedigiisa dimuqoraadiyada oo ku sifeeyay mid Puntland jid hormar uhorseedi kara.
Muxuu ka dhigan yahyay goaanka Siciid Abdulaahi Deni, ku
dhawaaqista siciid deni ee aadista nidaamkii hore ee ka jiri jiray Puntland ayaa timid saacado
kooban markii isimada dhaqanka ee SSC khaatumo ee garowe ku sugnaa
todobaadyadii lasoo dhaafay shaaciyeen goaan la xiriira isdiidooyinka
jiray hanaanka loo galay doorashooyinka,
isimada waxey aay sheegen in barlamaanka Puntland ee hada joogo aay soo
doortaan madaxweynaha iyo madax weyne ku xigeenka 8 january 2024 lana qabta
doorashada labo iyo toban bilood ka dib lagu
soo doorto doorasho qof iyo cod, deni caawo waxa uu sheegay in goaanka kasoo baxay
isimiada mid aan uqalmin dadka Puntland una qaateen hadii aaysan dadka rabin
goaankooda qof iyo cod ah aysan waliba rabaa iney soo xulaan hogaankooda shanta
sano ee soo socoto.
Goaanka ayaa loo arkayay mid deni kaga hortagayay damaca
barlmaanka Puntland ee waqtigiisu gabaabsi yahay kaasoo aay soo karkarinayeen
maalmihii udambeeyay saakina aay ku dhawaaqeen iney hal sano ku korarsadeen,
iyagoo raacaya goaamadii aay soo saareen garab ka mid isimada ssc khaatumo aay
soo saareen, talaabada baarlamaanku qaadeen ayaa loo arkaa in aay kashaqeyeen
kooxaha rajada ka leh hogaaminta madaxtinimada Puntland horayna ugu mid ahaa
xukuumada Puntland ka horinta aaysan deni isku dhicin lakin in aay meel mar
noqoto goaanka baarlamaanka iyo kii shalay isimada soo saareen aad suuro gal
ugama ahan degaanada Puntland marka la eego cida soo saartay ansixinta iyo
gooraha aay ku beegneyd.
Xubno isagu jiro mucaarad, muxaafad iyo dhinacyo ka madax banaan siyaasada Puntland ayaa soo dhaweeyay goaanka deni ku dhawaaqay oo aay ku sifeeyeen mid geesinimo leh lakin barlamaanka ayey ku sheegeen mid aan marnaba suuro gal aheyn oo aaysan dhaceyn wixii aay deni kadiideen abwaan iyo kooxo hubeysan qaarkod ka yeeleyn, geedi soconto baarlamanku ku dhawaaqay, goaanka maxkamada sare laga sugaayo iyo goaankii subaxnimadii hore saakay uu saaray madaxweynaha Puntland ee ku wajahan lifaaqa baarlamaanka soo jeediyo ayaa muujiyana in aay ugu dambeyn ku biyo shubaneyso in 66 dii xildhibaan iyo 8 january 2024 oo aay naga xigaan 31 cisho ee soo socoto. Villa somaliya ayaa khasaaro ugu soo gaaray dhawaaqa siciid deni iyo madaxweyne Hassan sheikh oo is daad raacay.
0 Comments