Soomaliya oo todobaadkaan guul weyn gaari doonta, $5.3 bilyan oo laga cafinaayo iyo geedi socodka socda.

 

Soomaliya  oo todobaadkaan guul weyn gaari doonta, $5.3 bilyan oo laga cafinaayo iyo geedi socodka socda.



Maalmo ka dib somaliya ayaa udabaal dagi doonta  guul weyn oo aay gaaray, kuna wajahan iney ka gudubtay 80% imtixaanadii laga doonaayay ee hanaanka geedi socodka deyn cafinta dalka oo si xoog badan looga shaqeeyay sanadihii lasoo dhaafay, deyn dhan 5.3 bilyan oo dollar oo lugu lahaa dalkaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa in laga cafiyay, waa talaabo yadaliilo leh marka la eego halka uu wadanka kaga jiro dalalka aduunka inaa nahay bulsho aan deyn lagu laheyne waxaay abuureysaa fursada intii horay loo heli jaray.

Madaxweynaha somaliya Hassan sheikh Mohamud ayaa usocdaalayay mareykan si uu qeyb uga noqdo munaasabada shaacinta iyo kulan kale oo dhaqaalo loogu aruurinaayo ciidamada amaanka ee somaliya, balse cafinta deynta durba garab bilaabanaayo waxey somalida ubaahantahay ma qaadan kartaa sida leysku aaminaya mise waxey lamid noqoneysaa deyn kale oo iyadana xiligeeda bixinteeda lala tacaalo, somaliya waxaa lagala shaqeeyay in la gaarsiiyo in 80% aay kaga soo dhaaftay dhamaan caqabadihii kala duwanaa ee la xiriiray hanaanka deyn cafinta, iyadoo lasiiyay balaayiin dollar si aay uga shaqeyso imtixaanadii adkaa ee uga imaanaayay hayadaha dhaqaalaha gaar ahaan IMF iyo word bank, lakin hada waa laga bootiyay dhamaan caqabadihii horyaalay geedi socodkeeda waxaana lagu dhawaaqayaa in deynta la qaaday.

Adduun lacageed oo dhan 600 milyan ayaa wali baaqi ku ah somaliya oo laga doonaya xukuumada federalka somaliya iney bil kasta ka bixisa 12 milyan oo dollar taas oo ah dulsaarka lacagta iyo maamulkeeda, hadii aan bixin deyntaan waxaa ka dhalan doono ciqaabaha in mar kale aay kororto taasoo dib uhaleyneysa  80% in lasoo cafiyay.

Bankiga hormarinta Africa hayada lacagta aduun ee IMF iyo world bank oo ah hayada dhaqaalo oo dunidu ku mideysan tahay deymaha  aay leyihiina aan cafin Karin ayey somaliya siisay lacag dhan 950 milyan oo dollar taasoo aay bixiyee Norway,UK, Canada, Turkey, Japan iyo dalalka yurub qeyb ka mid ah sido kale mareykan oo lahaa  deynta ugu badan oo aheyd lacag ka badan 1 bilyan oo dollar aheydna raaashiin aay ssomaliya geysay iyo mashaariic aay ka mid yihiin dhismayaasha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha ee aay dalku mareykan cafiyeen sanado ka hor, dowlada ruushka oo iyadana laheyd deyn dhan 650 milyan oo dollar oo aay ku jirtay 7 milyan oo dollar oo aay mosko 1960 dii dhigatay bankiga somaliya kaashna aheyd hayeeshee la isticmaalay ayaa ka mid ah deymaha la dhaafay, iyadoo lacagahaan aad uyaraa bilowgii aay aad ukordheen 30 kii sano lasoo dhaafay, lacagta ruushka waxa la aaminsanyahay in loo isticmaalay hubka lasoo deyntay shirkada Berbera garoonka diyaaradaha magaaladaas iyo mashaariic horumarineyd aay ku jiraan warshadaha horumarinta, dalalka khaliijka ayaa somaliya wali ku leh malaayin dollar oo udhiganta deynta guud 20% wax ku dhow iyadoo aay ku dhawaaqin qorshaha deyn cafintooda, waxaa la aaminsan yahay in sucuudiga iney ka dhabeyn doonaan qorshaha deyn cafinta inta laguda jiro maalmaha soo wajahay, lakin imaaraadka oo isna deyn leh ayaa la eegaya sida uu yeelaayo xili 20% kuwa hara aay noqonayaan ku aay somaliya taaban doona.

Somaliya sanadihii lasoo dhaafay waxey qaadaneysay kaalmo caalami ah oo aan deyn ku aheyn waxaana looga gudbaayay 80% shuruudaha lacagta aduunka, lakin dadka foolaadka ayaa qaarkood aaminsan in loo baahan yahay qaadashada deyn si dalka wax looga qabto gaar ahaan dhinacayada kaabayaasha dhaqaalaha in kastoo lagu kala aragti duwan yahay, kalsooni daro xoog leh ayaa dhextaala hogaamiyaasha somaliya sidaasoo kale mashaariicda  horumarinta asaasiyaadka dowliga iyo baahi kasto oo ay bulshada uqabtay adeegya hormarsan ayaa uxaniban is hardi ama damacyada siyaasada ee hogamiyaasha somalida aan is nab buuxin aay kala qabaan, sida aay dhaqaale deyn ah oo loogu qorayo dalka loo gaarsiin karo sualo waa weyn ayaa kasoo laabanaya, bankiga horumarinta Africa ayaa dhawaan sii daayay iney somaliya ubaahantahay in lasiiyo lacag ka badan 4 bilyan oo dollar tasoo loogu talo galay wax ka qabashada isbadalka cimlada aduunka, iyadoo oo uu dalka somaliya qaatay balaayiin dollar oo lagu sheegay gar gaar la gaarsiiyay, hayeeshee aan la aqoon sida loo isticmaalay.

Madaxweynaha somaliya Hassan Sheikh Mohamuud  iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha somalida ayaa fahansan in dalna uusan ku dhismi Karin kaalmo baniadantinimo taas badalkeeda loo baahan yahay in dhamaan mashaariicda horumarinta ee xaga aadanaha inta badan lacagtooda lagu qaato loo wareejiyo dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax muuqda oo aay soomaalida lacagtaas uga tagto, hayeeshee wey adagtahay in hayadaha qaramada midoobeyd iyo kuwa caalamiga aay aqbalaan warka dhinaca somaliya ka imaanaaya, macluumaadya kala duwan ee la aruuriyay ayaa shegayay in lacagha gargaarka baniadamnimo ee somaliya magaceeda lagu qaadaayo sanadihii kala duwaan ee dalkaan soo maray in kabadan 80% aay ku baxeen gooba aay aheyn halkii looga tala galay 20% ka soo haray aay siyaabo kala duwan oo aay ku jiraan dalalka jaarka la ah somaliya oo lacaga badan wadamadoodu ku hareen.

Somaalidu waxaa la gaaray xiligii aay si xoog leh isaga fiirin lahaayed dhamaan geedi socodyada la xiriira dhaqaalaha magaceeda lagu qaadaayo una maamuli laheyd dhamaan geedi socodka arintaas ku saabsan, lakin isla dad kala duwan ayaa ku duraya dowlada federalka somaliya iyo dhinacyada siyaasada aaysan udarbaneyn sidii aay goaan mideysan uga gaari laahaayeen geedi socodka dhaqaalaha iyo lacagaha magacooda lagu qaadaayo iney dhug uyeeshaan sida loo isticmaalaayo, war bixin gaar ah Ayaan u eegi doonaa caqabada ka dhalan kara deyma cusub oo somaliya afka loo galiyo iyadoo aan laheyn qorshaha horumarinta qaranka oo leysku wafaqsan yahay heshiis dhamaan dhinacyada siyaasada in somaliya laga joojiyo mashaaricda gargaarka aadanaha lagu qaado oo aan xisaab celinta laheyn.

Post a Comment

0 Comments