Somaaliya ayaa
ugu dambeyn caawo laga cafiyay lacag ku dhow 5 bilyan oo dollarka mareykanka oo
aay kula haayeen dalalka iyo ururada maaliyeed ee ugu waa weyn caalmaka, xaflad
ka dhacday wadanka mareykan oo aay soo qaban qaabisay hayada lacagta aduunka ee
la yiraahda IMF ayaa lagu shaaciyay in somaliya aanay laga bilaabo maanta aheyn
qaran qaameeysan. Deymahaan ayaa soo tixnaa sanado badan deyntan waxaa laqaatay
30 kii sano ee ugu horeysay xornimadadalka, lakin lacagta ugu badan waxaa la
amaahday intii udhaxeysay 1978-1990 kii markaas oo aay talada haayeen
militerigii xoogay xukunka dalka.
Marka laga
hadlaayo qaababka aay ku yimaadeen deymahaan waxaa la sheegaa iney isugu jiraan
dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha, xoolaha, dhismayaal iyo
qeyb la rumeysan yahay in loo adeegsaday arimo siyaasadeed howlo ciidan iyo
dano shaqsi ah waa xiligii miletariga aay heysteen awooda dalka. Sido kale
waxaa la sheegaa in kala bar lacagtaan aay ku timid dul saar kii ka dhashay
mudadii fogeyd ee deynta laga sugaayay somaliya.
Sanadkii 2012 markii laga soo baxay mudadii dowladii ku meel gaarka aheyd lana doortay madaxweyne Hassan sheikh mohamud ayaa dowladu bilowday ololaha deyn cafinta si uu dalku ugu gudbo marxalad cusub oo isku filnaasho maaliyeed ah. Waxey qaadatay 11 sano oo xiriir ah madaxweyne Hassan sheikh Mohamud wuxuu nasiib uyeeshay in ololaha deyn cafinta labilaabo isagoo madaxweyna ah lana dhameystiro isagoo mar kale kusoo laabtay madaxtinimada taas oo siineysa mudnaanta koowaad ee natiijada deyn cafinta.
Raisul
wasaarihii hore ee somaliya mudane Hassan Ali kheyre waa qofka labaad ee loo
yaqaano deyn cafinta, dadkii sida tooska ah uga shaqeynaayay 11 sano howsha
deyn cafinta ayaa mar walba qira sida
hassan ali kheyre ubadalay guud ahaan siyaasadii deyn cafinta sida uu reer
galbeedka uqasbay in howshaan dhab ka noqdaan iyo masaafadii aay soomaliya
jartay saddex sano ii barkii uu xilka haayay, markii wadan wadan loo eego
deynta ugu badan somaliya waxaa ka cafiyay Mareykanka lacagtas oo lagu qiyaaso
ilaa 1 bilyan oo dollar, Ruushka waxey somaliya ku lahaayeen in ka badan 600 milyan
oo dollar, Talyaanigu in ka badan 500 milyan oo dollar halka uu Faransiiska uu
somaliya ku lahaa in 400 milyan oo dollar, dalalka carabta sida Sucuudiga,
Ciraaq, Imaaraadka iyo Kuweit ayaa ka mid ah dalalkii deynta kulahaa somaliya.
Dhamaan deymahaas
waa la cafiyay caawa, laga bilaabo caawo oo ah 13 December 2023 somaiya waxey
ku jirtaa dalalka aan deymaha lagu laheyn ee ku yaala caalamka, waxaana la
eeegayaa sida aay uga faideysato
fursadaan dahabiga ah xili aay dalalka deriskeeda ah aay la ciirciirayaan deymo
fara badan.
0 Comments