Somalia oo xilkii ugu sareeyay abid ka qabatay IGAD. Maxay ka dhigantahay magacaabista waare?

 

Somalia oo xilkii ugu sareeyay abid ka qabatay IGAD. Maxay ka dhigantahay magacaabista waare?











Mohamed Abdi waare ayaa loo magacaabay ku xigeen xoghaya fulinta ee urur goboleedka IGAD. Ururkaan oo la aasaasay 1986 waxaa ku jira 8 wadan, Somalia waligeed kama mid noqon madaxda saree ee ururkaan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa muddo xileedkiisii hore raadiyay kursiga xoghayaha guud ee IGAD, waxaana uu markaas urabay Hassan Ali Kheyre oo markii dambe raisul wasare ka noqday Somalia, mar kale madaxweyne Hassan sheikh mohamud ayaa dib usoo celiyay hanka ah iney Somalia mid ka mid ah boosaska sar sare e ururkaan oo aay ku jiraan dalalka Jabuuti, Ethopia, Eritrea, Sudan,Uganda, Kenya,Somalia iyo south sudan.

Duulaanka Hassan Sheikh mohamud wuxuu kusoo dhamaaday kalkaan in Somalia la siiyo ku xigeenka qofka ugu sareeyo ururkaan ama booska labaad ee hogaanka fulinta ee urur goboleedka IGAD, Waare hada waa ku xigeenka Doctor workneh Gebeyehu xoghaya fulinta ee urur goboleedka IGAD, Hadaba maxey ka dhigantahay in Somalia lasiiyo booskaan waare se mayahay qofkeedi.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuu muujiyay in Somalia aay muhiim utahay iney hesho kursigaan, saaxibadii waxa aay sheegayaan inuu madaxweynuhu aaminsan yahay iney sare uqaadeyso miisaanka dalka heer gobol iney ka caawineyso in si weyn looga faideysto fursadaha dhex yaala dalalka ku jiro ururkaan iyo iney mustaqbalka dhow keeni karto iney Somalia qaadato hogaanka ugu sareeyo urur goboleedka IGAD.

Mohamed Abdi waare Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabeele oo waqti badan lasoo shaqeeyay hayadaha caalamiga ah ee ka howl gala Somaliya oo isagu boskaan aay dhowladu Somalia ku qortay, waxaa loo arkaa nin fahan badan ka heysto shaqada ururkaan.

Madaxaweyne Hassan sheikh Mohamud ayuu bilihii udambeeyay kala shaqeynaayay arimaha xasilinta deegaanada laga saray kooxaha argagixisada waxaana dadka qiimeynaaya booskaan weyn ee hada loo magacaabay aay muujinayaan rajo ku saabsan inuu waare shaqo wax ku ool ah ka qaban karo urur gobaleedka IGAD uuna si togan ugu faaideyn karo Somalia, in Somalia lasiiyo kursiga labaad ee ugu sareeyo urur goboleedka IGAD waxey kusoo aadeysaa labo asbuuc ka dib markii aay somalia xubin buuxda ka noqotay ururka bulshada bariga Africa.

Dalku wuxuu umuuqdaa inuu markaan utilaabsanaayo si qaangaarnimo ah, madaxweyne Hassan Sheikhna wuxuu muujinayaa inuu ka leexday dhabadii madaxda ka horeysay oo aheyd in waqtiga ugu badan dowlada lagu gubo ceyrsiga siyaasiyiinta gudaha.

Somalia waxey sidoo kale hada waxey tartan ugu jirtaa iney hesho kursiga xubinta aan joogtada aheyn ee golaha amaanka ee qaramada midobey, dowlada somaliya waxey hada ubaahantahay iney si togan oo ilbaxnimo iyo caqli ku dhisan iney uga fadieysato kuraasta waa weyn ee aay ku fariisaneyso waqtigaan iyo sido kale iney dunida tusto iney yihiin dad aay qalad aheyd in markii horeba la qadiyo.

Post a Comment

0 Comments