Siciid Deni in la qanciyo iyo in laga adkaado midee fudud? (Puntland iyo 33 da cisho ee soo socoto).

 

Siciid Deni in la qanciyo iyo in laga adkaado midee fudud? (Puntland iyo 33 da cisho ee soo socoto).


Aaminaada inaa laga adkaan Karin laga xoolo badneyd sharciga iyo ciidan kuna aay gacantiisa wali ku jiraan ayaa siciid abdullahi deni ka dhigeysa baar qabka siyaasadeed ee Puntland, laakin isku sheekeyntaas waxaa agtaalo xaqiiqo la yiraahdo ilaa gormee ayaa tahay mudanaha koobaad, dabcan waaa intaa sharciyad ku fadhiso xafiiska.

Hogaamiyaha Puntland siciid abdullahi deni ayaa wali lagu qanci la yahay inuu dhulka dhiga doorashada oo uu meesha ka saaro isla saxnaanta oo aqbalo in la aado doorasho loo dhan yahay, dhaqan, dhalinyaro, beel caalam, ururo siyaasadeed iyo cid walbo oo siciide deni kala hadashay inuusan deeganka siinin gacan ka hadal kale ayaa la sheegay iney kusoo hungoobeen iney badalaan aragtidiisa, marki loo tago wuxuu leeyahay waxaan qabanayaa doorosho wanagsan oo aan dhib ukeenin deegaanka, hadana wuxuu ku adkeysanayaa qabashada nuuca doorasho ee isagu jeexday.

Mucaaradku waa diideen hanaanka doorasho ee uu deni dalbaday kaas oo sida muuqato isaga siinaaya dib udoorasho boqolkiiba boqol ah, mucaaradka siciid deni waxey wacad ku mareen iney san dhici doonin doorashada uu sicii damacsanyahay, lakin hadii buuq la aado oo uu waqtigu jiitamo deni danbaa ugu jirto oo waxa uu dhibkaan oo dhan umaraayo dadka qaarkii u arkaan doonista muddo kororsi hal ama labo sano ah, iyada naftigeeda hadaan leysla aqbalin lama macaansankaro, hadii aad is weydiiso sababta aay madaxda somalida mar walbo uqaataan muddo kororsi aan lagu raxeysan Karin oo buuq iyo baaruudba leh, majirto cid kusiin karto jawaab ka badan faham xumo siyaasadeed ama miir beel xukun.

Wixii ka dambeeya 8 bisha soo socoto ee January Siciid Abdullahi Deni waxaa looga yeeri doonaa hogaamiyaha muddo xileedka ka dhamaaday Puntland, inta uu siciid heysto sharciyada laguma qancin karo  doodaha mucaaradka, lakin maalinta aay sharciyada ka dhamaato wax badan ayaa hab fikirkiisa iska badali ayey leeyihiin dadka ka faaloonaayo arintaan.

Mowduuca ah siciid deni lama qancin karo ee waa laga adkaan karaa wuxuu huwan yahay in sharciyada ka dhamaato, siyaasiyiintu isku wada dajo noqdaan, musharixiinta qarsooni banaanka yimaadaan, odayaasha dhaqanka awoodoodu dib uhelaan, siciid musharax caadi ah noqdo, oo aay ciidanku dhexdhexaad ka noqdaan musharixiinta  is haaya taas oo 33 cisho ka dib ku siin doonto siciid deni ka duuwan midka hada wax walbo maya u adeegsada.

Madaxda somalida markuu muddo xileedka dhamaado kalmada maye waxey ku badalaan maxaan la qaban karaa, 33 cisho ka dib siciid deni xitaa waxaa dhabarka xejin kara kuwa maanta isaga la safan, waxaa bilaabaneysa iney goaamadiisu shaqeyn waayaan iyo in aan isaga wax badan laga sugin, maanta ayuu wali fursad heystaa siciid deni, waxaana talooyinka joogtada ah ee lasiinaayo kamid ah inuu tanaazul la yimaado waxqabadkiisa badbaadsado doorashada dhexda soo dhigo oo uu ilaaliyo wada jirka bulashada deegaanka.


Post a Comment

0 Comments