Mucaaradka oo wali raadinaaya madaxweyne Hassan Sheikh

 Mucaaradka oo wali raadinaaya madaxweyne Hassan Sheikh


Xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo siyaabo kala duwan udiidan halka uu geedi dowladnimada uwado madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa dhawaan isugu tagay madaxweyne magalada Mogadishu, xubnahaan oo aay mar hassan sheikh ka wada tirsanaan jireen dalladii midowga musharixiinta mucaaradka ayaa had ka biyo diidan qaabka uu madaxweynuhu rabo inuu u dhameystiro arinta dastuurka, tan iyo 2012 somaliye ayaa ku dhaqmeysay dastuur qabyo ah, Hassan sheikh ayaa balanqadkiisu uu doorashada ku galay waxaa ku jiratay in hadii la doorto uu dhameystiri doono dastuurka dalka, hadana wuxuu udhaqaaqay inuu taas ka dhabeeyo.

Xubnaha mucaaradka ah ee Mogadishu dhawaan isugu tagay waxaa ugu tun weyn Madaxweyne Hore Shariif Sheikh Ahmed, Raisul wasare Hore Hassan Ali kheyre iyo musharax madaxweyne ahna xildhiban federal oo ka tirsan barlamanka Somaliya Abdirahman Abdi Shakuur Warsame (AAW), sida uu madaxweynuhu rabo in loo dhameystiro dasturka iyo xaalada lagu jiro oo dhinacyo muhiim ah maqan yihiin ayaa ka mid ah doodaha aay qabaan mucaaradku sida aay qaarkood la wadaageen Ceyrow News.

Xubnahaan waxey ku heshiiyeen inta aaysan qaadin duulaan siyaasadeed oo loo jeedo, in marka hore madaxweynaha la hadlaan oo aay ugu baaqaan in arinta dastuurka dib udhigo, hadii uu ka diidana aay markaasi ku dhaqaaqaan wixii la gudboon, siduu qorshu ahaa waxey aheyd in khamista aay la kulmaan madaxweynuhu Hassan Sheikh mohamud, lakin ilo ka tirsan mucaradka ayaa ceyrow news usheegay inuu Hassan Sheikh dalbaday in kulanka dib loo dhigo ilaa 16 bishaan isagoo sababtana ku sheegay iney ku jiraan safaro muhiim ah.

Madaxweyne Hassan Sheikh mohamud ayaa shalay booqasho rasmi ah ku gaaray  wadanka jabuuti, halka sidoo kale la filaayo inuu aado wadanka mareykan oo uu ka qeyb galo shirka dalalka haayo furaha amniga somaliye iyo sido kale inuu goob joog ka noqdo shirka IMF ee sida rasmiga looga shaacin doono in somaliya laga wada cafiyay deyntii ku tagneyd sanadaha badan.

Xubnaha mucaaradka ayaa qaar u arkaan in dib udhigistaan madaxweynaha ka meer meerayo la kulankooda halka aay qaarna qabaan in aan la degdagin oo waqti lasiiyo madaxweyne Hassan sheikh mohamud, sido kale miro dhalka kulankiisa ayey ku kala aragti duwan yihiin iyadoo aay qaar qabaan in Hassan sheikh laga joojin Karin jihada uu usocdo, halka aay qaarna aaminsanyihiin iney ku qancin karaan doodooda.

Kooxda madaxweyne Hassan sheikh mohamud waxey ku doodayaan in dhameystirka dastuurka uu ka mid yahay waxyaabihii loo doortay eeyna ku qasbanyihiin iney balantaasi fuliyaan, lakin aay ogolyihiin in laga doodo qodobadii loo arko iney keeni karaan culeysyo mustaqbalka ah, xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka somaliya ayaa sidoo kale lasoo warinayaa iney ku kala aragti duwan yihiin habka loo dhameystiraayo dastuurka dalka.

Xigasho Aduunka Tv.

Haddaba suurto gal ma tahay in madaxweyne Hassan Sheikh ku guuleysto dhameystirka dastuurka.

Aragtidaada nagula wadaag qeybta hoose ee faalada.   


Post a Comment

0 Comments