Madaxweyne Hassan Sheikh oo 13 bishaan dhalin kara goolkiisii saddexaad ee guulaaha waara.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo 13 bishaan dhalin kara goolkiisii saddexaad ee guulaaha waara. 

President: Dr Hassan Sheikh Mohamud


Marka laga hadlaayo waxyaabaha waara mxaa dowladnimada somaliya ku siyaasiday intii aad xukunka heysay, waan suasha aay tahay in la weydiiyo madaxdii heer federal ee nasiibka uyeeshay iney villa somaliya maamulaan.

Madaxweyne Hassan sheikh mohamud muddo xileedkiisii hore waxa uu hirgaliyay wax yaabo badan oo laga xusi karo dhismaha afarmaamul goboleed, dhismaha aqalka sare, inuu dacwadee badda geeyay maxkamada cadaalada adduunka, inuu dib u hirgaliyay Jamacadii ummadda Somaliyed ( Somali National University), inuu 32 degmo ka saaray gacanta kooxaha argagixiada, dib udhiska dhismaha garoonka aadan cade(Aaden Adde international airport) dakada Mogadishu wadooyinka caasimada ee waaweyn iyo abuuridda shuruuc badan oo manta dalka lagu hago.

Marka kale madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa xafiiska jooga waxaana loo xisaabinayaa waxyaabaha waari doona ee u qabsooma muddo xileedkaan cusub. 24 bishii lasoo dhaafay ee November madaxweyne hassan sheikh Ayaan nasiib uyeeshay inuu somaliya ku biiriyo dallada bulshada Africa (EAC), inkastoo aay muddo soo jiitameysay isku deyga somaliye eek u biirista ururkaan hadana shaqadii uu ka qabtay madaxweyne Hassan sheikh mohamud 18 bilood ee udambeysay iyo saxibtinimada ee uu siiyay dalalka kenya, Uganda iyo Tanzania oo saameyn badan ku leh ururkaan ayaa wax badan caawisay.

Maadaama aay ku biiristaan aay waligeed jireyso waa mid kamid ah guulaha waara ee loo diwaan galiyay muddo xileedkiisa cusub maaddama aay labo sano udhamaanin, 1dii bishii December ee ku beegneyd jumcihii lasoo dhaafay wuxuu mar kale xaqiijiyay madaxweyne Hassan sheikh mohamud natiijadii labaad ee wax qabadka waara waana inuu dalka gaarsiiyay in laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano, guushaas oo wax ka tari doonta dhismaha ciidan qaran in laga adkaado argagixisada iyo in qaranimadu dalka aay kaamil noqoto.

Arinta saddexaad ee la sugaayo dhawaan waa deyn cafinta 13 bishaan aaynu ku jirno ee December shirka hayada lacagta aduunka IMF waxaa tagi doono madaxweyna somaliye mudane Hassan Sheikh Mohamud waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa in guud ahaan deyntii laga cafiyay Somalia.

Waa guul kale oo waari doonto waxey noqon doontaa 20 cisho gudohood in dowlada madaxweyne Hassan sheikh mohamud aay xaqiijineyso in saddex arimood oo kabaayo dhaqaalaha, amniga iyo cilaaqaadka dalka.

Arimahaan waxaa loo yaqaanaa guulaha waara waa in dowladnimada meeshii aad ugu timid iyo meesha aad ugu tageyso inuu farqi udhaxeeyo waana iney jiraan waxyaabo la magacaabi karo oo hirgalo intii aad xilka joogtay kuwaas oo ah waxyaabaha aan adi horay kuu raaceynin ama nolol maalmeedka la xiriira.

13 bishaan madaxweyne Hassan Sheikh mohamud wuxuu dhalinayaa goolkiisii saddexaad ee guulaha waara waana mid ka mid ah  sababaha Hassan sheikh mohamud lagu yaqaana inuu yahay hogaamiye ku fiican ka gungaarida arimaha waaweyn ee dhabta ah ee laxiriira Masiirka Dadka, Dalka Iyo Diinta.

Haddaba nagula wadaag aragtidaada qeybta hoose ee faalada.


Post a Comment

0 Comments