Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo booqasho rasmi ku tagay dalka jabuuti iyo kulan uu la yeeshay madaxda urur goboleedka IGAD.


Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo booqasho rasmi ku tagay dalka jabuuti iyo kulan uu la yeeshay madaxda urur goboleedka IGAD.









Madaxweynaha jamhuriyada federalka somaaliya mudane Dr Hassan Sheikh Mohamud oo maanta dalka jabuuti kaga qeyb galay meertada 41-aad ee urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa jamhuuriyada jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-galinaaya shirkan.

Labada madaxweyne ayaa iska wareystay xaalada gobalka, xiriirka walaltinimo eek a dhaxeeya soomaliya iyo jabuuti iyo iskaashiga arimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horeeyaan arimaha amniga iyo nabada gobalka.


Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo hogaamiyaasha IGAD ugu mahadceliyay doorkoodii qaadista cunaqabateynta hubka saarneyd somaliya.


Madaxweyne jamhuuriyada federalka somaliya mudane Hassan sheikh Mohamuud oo ka qeyb galay meertada 41-aad ee madaxda dalalka IGAD aya ugu mahadceliyey doorkii aay ka qaateen in somaliya aay biirto dallada Bulshada Bariga Africa (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga hogaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbadalka cimilada iyo colaadaha.

“Xubnaha urur goboleedka IGAD waxaan ugu mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunuqabateynta hubka ee saarneyd somaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta somaliya xasillon oo horumarsan”.

Shirka inta uu socday, waxa ay madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen hogaamiyaha golaha saree e dalkaas mudane Cabdul fataax alburhaan oo dul istaagay waan waanta IGADee ku aadan dagaalka dalka suudan, taas oo dowlada somaliya aay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal uhelista dagaalkan ee heer IGAD.

Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa xusay mowqifka joogtada ah ee somaliya ay ka taagan tahay dagaalka dalkaas, kaas oo ku saleysan cashirkii shacabka soomaaliyeed ay ka barteen burburkii dowladnimada waxa uuna tilmaamay in suudan shacab iyo dowladba aay abaal weyn ku leeyihiin dadkeena soomaaliyeed.

Post a Comment

0 Comments