Hassan Sheikh iyo xiisada dastuurka. Saddex arimood oo aay labo tahay midna xaq tahay.

 

Hassan Sheikh iyo xiisada dastuurka. Saddex arimood oo aay labo tahay midna xaq tahay.


Dib-ueegista dasturka

Buuq la xiriira dhameytirka dasturka ayaa ku bilwday nidaamka madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Madaxweynaha ayaa usoo ololeeyahay inuu dhameysiri doono geedi socodka dastuurka oo soo jiitamaayay waqti dheer, si taas lamid ah dhamaan musharixiinta kale ee raadinaayay kursiga yaalo villa somaliya waxey balan qaadkooda ku dareen in hadii la doorto la dhameytiri doono dastuurka.

Horaanta bisha janaayo ayaa la filayaa in cutubyada ugu horeeyo dasturka la geeyo golaha barlamaanka, halkaas oo aay xildhibaanada ugu doodi doonaan, hadaba saddex dhinac aan ka eegno arimaha taagan.

Mid waa xaqa madaxweynaha dhameystirka dastuurka waa shaqa somaliyeed oo dhawaan madaxweyne hassan sheikh mohamud ka hor sheegay golaha barlamaanka, horay madaxweynaha ayaa la sheegay in uu guddiyada gacanta ku haayo dastuurka uga joojiyay in dalka dibadiisa uga hadlaan dhameystirka dasturka, Hassan Sheikh waxa uu fuinayaa mid kamid ah balan qaadyadiisii ahaa dhameystirka dastuurka, halkaas marka la eego madaxweynuhu wuxuu heystaa jid lawada yaqaano fulinta qodob kamid ah sababihii codka loo siiyay iyo xaqiijinta mid ka mid ah qodabadii qabyada uga tagay.

Suasha ah xaq ma uleeyahay in uu madaxweynuhu dhameystiro dastuurka jawaabteedu waa haaa, balse dhinaca kale waxaa jirta labo arimood oo aan laga boodi Karin marxaladaan.

Mid waa goormaa ayaa la dhameystirayaa dastuurka waqtigu waa muhiim, iyadoo uu khilaaf siyaasadeed jiro Puntland ma qantahay, Somaliland aan xal loo helin, qabaailkana aay wali is iimaansan weey adagtahay in la dhameystiro dastuurka, xoogaha dhaliilsan shaqadaan waxey ku doodayaan in marka hore xal loo raadiyo muranada siyaasada, maqnaanshiyaha Puntland iyo macnaha Somaliland.

Si kale markii loo dhaho maadaama uu dastuurku yahay heshiis bulsho waa in la helaa madal loo dhan yahay iyo marxalad raali leysaga yahay, si aay bari dhaqan galintiisu usahlanaato.

Mida labaad waa qaabka dhameystirka, madaxweynuhu wuxuu rabaa in dastuurkaani cadeeyo inuu dalka ka guuray nidaamkii barlamaaniga ahaa una guuray nidaam madaxtooyo, somaliya tan iyo 1960 dii shacabku ma dooran madaxweyne ee waxey dooran jireen wakiilada barlamaanka kuwaas oo iyagana dooran jiray madaxweynaha kaaso isagana soo magacaabi jiray raisul wasaraha, hadii la aadaayo hanaan ah iney shacabku soo doortaan madaxweynaha oo laga guuraaya kursiga raisul wasaraha oo la qaadanaayo madaxweyne iyo ku xigeenkiisa oo muddo xileedka laga dhigaayo 5 sano, sdio kalena laga takhalusaayo hanaanka 4.5 waxaa loo baahanaya heshiis siyaasadeed taasina waa ka guda weyntahay awoodaha baarlamaanka.

Madaxweyne Hassan Sheikh waxaa laga rabaa inuu la yimaado heshiis siyaasadeed inta uusan raadin gacan taaga barlamaanka si arintu ufududaato, waxaa kaloo muhiim ah in la cadeeyo xiliga qodobadaan dhaqan galka noqon doonaan, ma inta lagu jiro muddo xilieedka madaxweyne Hassan sheikh ayaa la dabaqi doonaa qodobadaan hadii dastuurka la dhameystiro mise waxey ka bilaaban doonaan dowlada xigta iyo muddo xileedka dambe, arimahaan waa kuwo ubaahan in si dhab ah loo cadeeyo, si guud shaqada dhameystirka dastuurku waa howl wanagsan lakin nidaamka talada haayo waxaa laga rabaa iney xikmad ku wajahaan doodaha hareer yaalo dhameystirka dastuurka si goaanku bari unoqdo mid somaliyeed oo dhaqan gal noqon kara.


Haddaba adiga maxey kula tahay aragtidaada nagula wadaag qeeybta hoose faalada.

Post a Comment

0 Comments