Guul mise hagardaamo qaadida xayiraada hubka, xogaha la qariyey & madaxweyne Hasan sheikh oo shirkad amni sameysanaya.
Saddex malin ka hor somaliye ayaa
udabaal degtay in 32 sano ka dib laga qaaday xayiraada hubka ee saarneyd
dowlada federalka somaliya taasoo caqabad ku aheyd dib udhiska xoogaga amni
dalka si aay ula wareegaan masuliyada qaranka oo mar muhiim ka ahaa fadhiyada
caalamiga ah.
Doodihiisuna aay aheyn hanala
kaalmeeyo ee isagu lahaa dal leh goaamo madax banaan iyo sareeyn sharci oo
bulshadu kuwada qanacsantahay, tabinteenu waxeynu ku eegeynaa waxyaabaha ku
qarsoon cunaqabateynta hubka yoolka laga leeyahay dhacdooyinka ilaa hada
walwalka leh ee la diwan galiyay iyo madaxweyne Hassan Sheikh mohamud oo
isagana ku mashquulsan sameysashada Shirkad gaar ah si uu qeyb uga noqdo hubka
lasoo dajinaayo.
Mira dhalka dacwad socotay muddo 15
sano ah, 15 kii sano ee lasoo dhaafaydadaal xoog leh ayey ugu jirtay sidii
taabo gal looga dhigi lahaa qorshaha ah in xayiraada hubka laga qaado si loo
helo ciidan amni oo dhameystiran amnigoodu ku filan iyo kaalmo hubeed oo ka
duwan mida aay hada isticmaalayaan xooga hubeysan ee argagixisada ee la dagaalamaayo
dowlada federalka Somaliya, intii 2018-2021 waxaa la dhameystiray shaqooyinka
oo ku xirnaa galka cunaqabateynta hubka in laga dulqaado somaliya kuwasoo
hortabin ula haa in somalida lagu aamino ugu yaraan hubka iyo saanada ciidan ee
aay adeegsadaan, sida uu sheegay dharaartii xil wareejinta madaxweyne Mohamed
Abdullahi Farmaajo ayaa xaqiijiyay in la eebiyay oo uu dhamaad joogo, hada waa
la qaaday iyada oo aay ku hoos duugan yihiin galal waa weyn oo halistiisa wata
lagana leexday dhamaan qorshayaashii kala duwanaa ee dowlada federaliga
somaliya aay horay usoo jeedisay.
Somaliya miyaa laga qaaday
xayiraada mise dowlada shisheeye ayaa dantooda ka dhex arkay, sida ka muuqato
ilaa hada sharaxaada laga helay nuxurka aay qaraarka aay meel mariyeen golaha amaanka
ee qaramada midoobay waxa uu tilmaamayaa wax ka duwan talaabadii aay somalida uquuxday ee aay soo
dhaweysay, qaraarka la meelmariyay ee aan wali la shaacin waxaa ka muuqdo in
dowlada federalka in aan awood buuxdo loo siinin in la imaan karto hub
dhameystiran lakin cida xayiraada la qaaday ee la ogolaaday in cir toogto
casiriyo ka sameeyaan gudaha soomaliya aay tahy shirkada ajnabi oo geyn doono
gudaha dalka si aay ugu iibiyaan dhinacyada oo aay ku jirto dowlada federalka
somaliya, dowlada ingiriiska oo haysato galka arimaha somaliya ayaa diyaarisay
qaraarka cunaqabateynta, waxaa ka dhex muuqdo ayaa xooga saartay shirkada
ajaaniib oo tago dalka somaliya ama joogo aay uyeelan la haayen masuuliyada soo
dajinta hubka iibisinta iyo dhamaanta dhaqdhaqaaqyada la xiriira.
Xeel dheereyaasha arimahaan ku
foogaga oo aan la hadalnay ayaa usheegay in ceyrow news in waxa ugu balaaran ee
xayiraada hubka loo qaaday aay tahy in shirkadahaan aay leeyihiin dalalka
sameynta ku leh somaliya aay ka macaashaan hub fara badan oo aay galiyaan
gudaha maadaama la siiyay sharciyad ka timid dhinaca golaha amaanka ee qaramada
midoobeyd iyadoo balaayiin doolar laga faaido doono dalabka faraha badan ee
hubka sida aay ku bixinayaan laftirkeeda oo aan si cad loo xaqiijin.
Uk ayaa soo jeedisay in shirkadaha
amniga ka shaqeeya eek u sugan gudaha somaliya aay tahay in looga dambeeyo
arimahaan iyadoo aay liiskooda soo
gudbineyso dowlada federalka somaliya, lakin ilaa hada waxaa la xaqiijinayaa
afar ilaa shan shirkadood oo ka dhisan gudaha somaliya in aay noqon doonaan
kuwa faida ugu badan heli doono, shirkadahaan waxey heystaan awood balaaran oo
dheeraad ah iyagoo ogolaansho uleh in hub kasta oo la damco in la geeyo
somaliya aay tahay iyaga iney keenaan oo aay kazoo gadaan suuqyada aay doonaan
ama la mariyo dowlada federalka iyo dowlad goboledyada iyaga aay macaamiil ku
khasban unoqon doonaan, waa casriyeeynta suuqyada had ka furan gudaha somaliya
mid ka mid ah dadka sida dhow ula socdo shirkada amniga ee ka shaqeeyo somaliya
lagana leeyahy meelo ka baxsan dalka ayaa ku tilmaamay in talaabada la qaaday
aay ka dhigan tahay suuqadi yaman iyo dalalka jaarka ee hubka laga soo gadan
jiray ee loo raray dhinaca warshada casriga dibada si dhaqaale xoogan looga
sameeyo.
Somalidana looga soo waarido
boobayaal halis badan aayna tahay in lacagtaas dowladaha waa weyn ubaahdeen
dhaqaalahooda ku kabaan ee aaysan eegin dhinaca maslaxada somaliya, sameynta
suuqyada hubka iyo dhamaan dhaqaalada ukrain waxaa la aaminsan yahay in aay
arintaan qeyb ka noqoneyso.
Guul mise hagardaamo in la qaaday
xayiraadii hubka ee saarneyd somaliya waa guul leysku raacsanyahay in aay hortabin
uleedahay qarankaan kasoo kabanaayo dagaalada
muddada dheer una baahan ciidan xoog uleh sharciyada lana wareegi karo masuuliyada
amniga guud, lakin sida hada loogu farxay dhawaaqa New York wax ka duwan ayaa
jiro taas oo saameyn aan wanaagsaneyn yeelan karto hadii aan mareyn deg deg
badan loo helin, in dowlada federalka gacmaheeda laga dhowro masuuliyada hub la
imaanshaha, shirkada shisheeyo oo aay
leeyihiin dalal kala duwan aay qaataan awoodii la imaanshaha dalka iyagoo oo
kaliye uxiranyahy, waa halis ka balaaran tii aay somaliya horay ula nooleyd ee
aheyd fara galin shasheeye ilaa waqtigaan waxba laga qaban layahay, ila
wareedyo xaga amaanka ayaa sheegaya afar ilaa shan shirkadood labo ka mid aay
leeyihin reer galbeedka aay qaateen qandaraaskaan dhawaane aay soo daabuli
doonaan hub aay sheegtay in dowlada federalka aay baahi uqabto, lakin hubkaas
uu noqonaayo cir toogtaha casrigaan oo aay ka iibin doonaan cid kasto oo aay
danahooda ka dhex arkaan, sidaaso kale dhismaha maleeshiyaad cusub oo
calooshooda ushaqeystayaal somaliya iyo ajaaniib ah ayaa lasii xaqiijinayaa
qoristooda in aayba durba si xowli ku socoto.
Hadii sidaan loo eego halistaan waa
xaalad adag oo aan aheyn guul lagu farxo balse ah hagardaameyn badan oo humaaga
ilaa hada lahubo oo yahay himbariis aan wanagsaneyn balse qaraankan dib ucelin
karta, dalalka shirkadahaan leh oo ciidan xoogan ku haaysto somaliye, Ceyrow
News waxey ogaatay in saddex ka mid dalalka shirkadahooda la siiyay awooda
hubkeetida hada aay joogitaan ciidan oo xoog badan ku leeyihiin gudaha dalka somaliya
gaar ahaan koonfurta, bartama, waqooyi galbeed iyo waqooy bari, kuwaas oo la
filaayo in aay dhamaan geeyaan suuqyadooda cir toogtaha casriga kana duwan
kuwii horay ujiray.
Ciidamada dhinacyadaan aay
haameystaan ama siyaasadooda ku lug leedahay ayaa ka badan kumanaan askari oo
amar iyo talaba ku laheyn dowlada federalka somaliya balse wuuba ku anacsanyahy
madaxweyne Hassan sheikh Mohamuud in lasoo kordhiyo taas oo muujineyso halis
balaaran oo lagu halaagsami karo, madaxweyne Hassan Sheikh oo shirkad amni ku
fikiraayo in uu saameyn ku yeesho ilo xog ogaal oo ka tirsan madaxtooyada
somaliya ayaa xaqiijinaya in bilihii lasoo dhaafay oo aad ugu mashquulsanaa
abuurashada ciidamo gaar ah oo ka madax banaan ciidamada somaliya una badan
jufo hoosaadkiisa ilaa hada 400 oo dhalin yaro ah oo laga aruuriyay si gaar
ahna looga qoray dhinaca heybta ayaa tababara qaatay qaarkood waxaa lagu
wareejiyay amniga madaxtooyada sidaa soo kale hada baladoogle xero ciidan oo ku
taalo waxa lagu xareeyay ciidan kale oo isla jufo hoosaadka laga geenay, yoolka
ugu weyn waxaa lagu fasiray inuu madaxweynuhu uu doonaayo inuu abuurto shirkad amni
oo ugaar ah ciidankana aay noqon doonaan ciidan la kireysto oo ilaalo unoqdo
shirkada ku mashquulsan soo saarida kheyraadka dabiiciga ee dalka somaliya, tan
oo ka halis weyn dhamaan arimaha kala duwan ee hada taagan.
Akhristow fikirkaada maxey kuula muuqataa arintaan bal nagula wadaag qeybta faalada.
0 Comments