AFAR QODOB OO UU MADAXWEYNE HASSAN SHEIKH DIIRADA KU SAARAY KHUDBADIISII SHIRKA AMNIGA SOMAALIYA EE NEW YORK.
Madaxeynaha
Somaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa shalay dunida usharaxay halka uu maraayo
amniga somaliya, guulaha laga gaaray argagixisada, sidey somaliya uga fadieysan
doonto in laga qaaday cunuqabateynta hubka xaalka amniga caasimada somaliya iyo
udiyaar garowga bixitaanka ciidanka midowga afrika ee loo yaqaano ATMIS oo
somaliya joogay 16 kii sano ee lasoo dhaafay.
Madaxweyne Hassan
sheikh Mohamud ayaa gudoomiyay shirka amniga somaliya oo aay ka qeyb galeen 26 wadan oo ah kuwa
sida toos ah ugu lug leh arimaha amniga somaliya. Shirkaan oo ka dhacay xarunta
qaramada midoobeyd ee magalada new York waxaa dalalka shalay fadhiyay kamid ah
Mareykan, Engiriiska, Turkey, Qadar, Imaaraadka, Sucuudiga, Shiinaha, Japan, Talyaaniga,
Hindia, Eithopia, Jabuuti, Uganda, Burundi, Germany, France, Sweden,
Netherland, Finland, Spain, Norway, Jamacada carabta, Midowga Afrika iyo Midowga
yurub.
Hassan
Sheikh wuxuu miiska soosaaray inuu dalkiisa is badalay amni ahaan, wuxuu
sheegay in argagixisada si weyn ujabiyeen, iney kiciyeen qabaailkii deganaa
dhulka argagixisada hoysatay, culimada iyo ganacsatada ayuu sheegay iney inta
badan daacad ka noqdeen la dagaalanka argagixisada, dagaalka dhaqaalaha eek a dhanka
argagixisada ayuu madaxweynuhu ku celiyay iney ka gaareen guulo wax ku ool ah,
marka leysku geeyo isbadalka waaqica bulshada. Dagaalka caqiidaha aay culimada
hormuudka utahay, midka dhaqaalaha ee aay dowladu ku xirtay kuna xayirtay
lacaga iyo akoono boqolaal ah oo argagixisadu adeegsan jirtay ayaa dhamaan
qeexaya sida aay dowlada somaliya uga sii dhawaaneyso iney guud ahaan dalka ka saarto argagixisada.
Dadaalka
naf-hurnimada ah ee caalamku labaatankii sano la garab taagnaa somaliya ayuu
amaanay kana mahadceliyay madaxweyne Hassan Sheikh, wuxuu sheegay in lasoo
gaaray xiligii aay soomaaliya la wareegi laheyd masuuliyadeeda amniga. Bixitaanka
ciidanka ATMIS ayaa mar kale ka hadlay
madaxweyna Hassan Sheikh Mohamuud, sida loo maareeyay wajigii hore ee bixitaanka ayuu sheegay iney tahay mid cadeyneysa hormarka
aay gaareen ciidanka dowlada soomaaliya. Wuxuu sheegay iney wadaan dadaal
fiican oo aay amniga dalka kula wareegayaan ciidanka somaaliyeed isagoo aan
codsan in dib loo dhigo bixitaanka ATMIS.
Wuxuu madaxweynuhu
ku faanay iney ciidanka qaranka joogaan marxalad aay sugi karaan amniga dalka
kana adkaan karaan argagixisada isagoo intaas ku daray iney ku howlan yihiin
sidii guulaha ciidan dowlada looga dhigi lahaa kuwa joogta ah, wuxuu soo hadal
qaaday amniga caasimada, madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu carbaabay in magalada Mogadishu
aay ku jirto waqti aad uwanagsan xaga amniga, meel walbo oo magaalada ka mid ah
waxa uu sheegay iney ka muuqdaan is dhex galka shacabka iyo ciidanka, wuxuu ku
tilmaamay hormar weyn amniga, ganacsiga iyo dib udhiska ka socda magaalada Mogadishu
wuxuu intaas ku daray in qurbo joogto iney si xoog leh uga soo laabanayaan dalkooda
gaar ahaa magaalada Mogadishu ee caasimada somaliya.
Wuxuu ku adkeystay iney si togan uga faaideysanayaan cunaqabateynta hubka ee laga qaadat dalka oo iyaduna laftirkeeda ku timid isbadal aay ku sameeyeen laamaha amniga iyo hab dhaqanka hubka, wuxuu dalalka xubnaha ka ah madasha aminga somaliya ku booriyay in lasii xoojiyo wada shaqeynta togan ee dowlada federalka somaliya ku garabsiinta qorshaha amni ee aay u dajiyeen 6da sano ee soo aadan iyo dhameystirka geedi socodka dowladnimada somaliya, nuxurka qudbada madaxweynuhu waxey aheyd inuusan ka laaban bixitaanka ciidan ATMIS inuu shabaab soo afjari doono, in Mogadishu amni ahaan si weyn isku badashay iyo inuu ku kalsoon yahay in ciidanka dowlada somaliya aay hanan karaan amniga guud ee dalka.
0 Comments