Afar Cashar oo ku jiro go’aankii uu xalay qaatay Siciid Deni ee uu kaga laabtay damaciisii doorashada.
Hogaamiyaha
Puntland Siciid Abdullahi deni ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka
laabtay goaankiisii ahaa iney Puntland ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah
waxaana uu aqbalay in la aado doorashadii hore oo aheyd in 66 dii xubnooda golaha wakiilada Puntland soo
doortaan odayaasha qabaailka, Deni ayaa muddo dhowr bilood ah lagu qancin
waayay inuu dhexda soo dhiga doorashada, balse markii dambo lumiyay kalsoonidii
dhaqanka waxaa kala qeybsamay baarlamaanka gaar ahaan xubnihii uqaabilsanaa
arimaha doorashoyinka halka beesha caalamka aay uga digtay inuu gacan ka hadal
kale uhorseedo degaanada Puntland, goaankiisii xalay ayaa kusoo aaday saacado
ka dib markii odayaal waan waan ku jiray aay soo jeediyeen in baarlamaanka hada
joogo hal sano looga daro iyagana aay doortaan madaxweyne iyo ku xigeenkiisa,
lakin siciid deni ayaa aaday jiho taas boqolkiiba boqol ka duwan.
Dhowr
cashir ayaa ku jira goaanka uu xalay qaatay siciid Abdullahi Deni, mida koobaad
waa inaa damac shakhsi ah loo afduubi Karin danta guud, Deni waxaa la xasuustaa
sida uu udiiday damaciis halka dhinac ahaa madaxweynihii hore Mohamed Abdulahi
Farmaajo, si taas la mid ah ayaa isagana tiisii loo diiday, waa cadeynta inaa
heer walbo oo dowladeed oo somalidu joogto maanta inaa hal mid lagu guuleysan Karin
waana in damac shakhsi ah danta guud loo afduubo.
Mida labad
waa in aan natiijada goaankiisa cidna kula macaashin, Siciid deni wuxuu iska
diiday iney dadka la sheegtaan ama shirka kula noqdaan goaankiisa, wuxuu durba
bogaadin ka helay dad badan oo reer Puntland ah oo ku amaanay inuu maamulka
badbaadiyay oo laga baaqsaday gacan ka hadal kale, sidaan horay usheegnay
madaxda uu muddo xileedka ka dhamaanayo uma fiicna iney galaan doorasho lagu
qasbay, waxaa u haboon iney garashadooda weelka dhexda kusoo dhigaan si aay ugu
yaraan wax un ugu dhashaan.
Saddex xili
doorashooyinka is faham siyaasadeedka ayaa ka muhiimsan dastuurka, siciid
abdullahi deni iyo madax kale oo soomaliyeed oo ka horeeysay ayaa dhamaan
tijaabiyay iney badalaan qodobo dastuuri ah iney qortaan sharciyo ugaar ah oo
aay baarlamaanada lacag badan ku bixiyaan si aay damac shakhsi sharciyad ugu
raadiyaan, lakin mar walbo waxey kusoo dhamaataa oo leysla qaataa hab
mucaaradka iyo muxaafadka wada aqbali karaan.
Hadii arintaan
wax laga baranaayo waa in laga qaataa in heshiis siyaasadeedka ama is ogol
siyaasadeedku ka xoog badan yahay qodobada dastuurka marka la joogo xiliga
doorashoyinka.
Mida afaraad
waa fariin ku socoto maamulada kale ee aay doorashoyinkooda soo dhow yihiin in
siciid deni dib loo dooran doono iyo in kale waa jawaab lala sugaayo
maalinteeda lakin hadii uu siciid deni xoogi lahaa hanaanka doorashada Puntland
waxey sahli laheyd in la boobo dhamaan doorashoyinka kale ee dalka, reer Puntland
waxey cashir siiyeen maamulada kale ee dalka waxaana hada bilaaban karta in
maamulada kale qaarkood iyagana laga diido muddo kororsi iyo in hanaanka
doorashada la xoogo.
0 Comments