Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Sudan iyadoo la maqlayo Jugta madaafiicda culus

 

16 Abriil 2023

Jugta madaafiicda culus ayaa aroornimadii Axadda maanta ah laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa magaalada Khartoum, iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas.

Dadka deggan Khartoum ayaa BBC-da u sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday iyadoo mid ka mid ah uu tilmaamay in rasaas lagu soo riday guriga deriska la ah.

Dhinaca kale, ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum. Dagaalada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

 

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.


Post a Comment

0 Comments