26 Agoosto 2023
Madaxweynaha xiriirka
kubbadda cagta Spain, Luis Rubiales, ayaa dhaleeceyn badan la kulmayay
dhowaanahan kadib markii uu dibnaha ka dhunkaday weeraryahannadda xulka Spain
haweeneyda lagu magacaabo Jenni Hermoso iyadoo lagu guda jiray dabbaaldagga
haweenka Spain ay ku qaadeen Koobka Aduunka.
Dhunkashada oo ka dhacday meel fagaare ah ayaa waxa qabtay
kaameradaha garoonka iyadoo ay ka dhalatay caro dowladeed mid dadweyne iyo mid
ciyaartoy intaba, iyadoo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.
Hermoso ayaa si toos ah u sheegtay in aysan ku qanacsaneyn
dhunkashada gaadmada ah isla markaana aysan jecleysan.
Dood dheer dacwad ayaa lagu furay Rubiales oo ah ninka gabadha
dhunkaday iyadoona ciyaaraha laga ganaaaxay in muddo ah.
Guddoomiyaha guddiga anshaxa ee FIFA, Jorge Ivan Palacio oo
isticmaalaya awoodaha qodobka 51-aad ee xeerka anshaxa FIFA ayaa maanta
go’aansaday inuu si ku meel gaar ah uga joojiyo Mr. Luis Rubiales dhammaan
hawlaha kubbadda cagta. heer qaran iyo heer caalami.
Joojintan, oo dhaqangeli doonta laga bilaabo maanta, waa muddo 90
maalmood ah, iyadoo la sugayo dacwadda anshax-marinta ee Mr. Luis Rubiales.
Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga anshaxa ee FIFA ayaa soo saaray
laba dardaaran oo dheeri ah. kaas oo uu ku amrayo Mr. Luis Rubiales in uusan
wax xiriir ah la sameyn Karin ama cidna uusan u dirsan Karin xidigta qaranka
Spain Jennifer Hermoso ama cid iyada u dhow.
Waxay ku dartay inaysan ka faalloon doonin tallaabo kasta oo
anshaxeed ilaa laga soo gebagebeeyo dacwadaha ka dhanka ah Rubiales.
Fifa ayaa furtay dacwado ka dhan ah Rubiales kadib falkii uu
sameeyay intii lagu guda jiray qaybinta billadaha Koobka Adduunka ee Haweenka
24kii Agoosto, markaasoo uu bushimaha ka dhunkaday khadka dhexe ee Spain Jenni
Hermoso.
Waxay sheegtay in aanay raali ka ahayn dhunkashada, balse Rubiales
ayaa sheegay in ay ahayd heshiis.
Marka laga soo tago jagada madaxweynaha FA-ga Spain, Luis Rubiales
ayaa sidoo kale xubin ka ah guddiga fulinta ee awoodda badan ee xiriirka
kubbadda cagta Yurub, UEFA.
0 Comments