Bal ila dhuux Kixmadahaan Aadka Uwanagsan!
1. Kolki uu rabo inuu aamus ku
yiraahdo haweenay, ninka caadiga ah wuxuu ku yiraahdaa “Naga Aamus” ninka
caaqilka ah wuxuu ku dhahaa “Bushimahaaga aad bay u qurux badan yihiin marki
aad isku qabato!”
2.
Sida loo xusho saaxiib fiican sanadahan dambe; Haddii saaxiibkaa ku
hilmaansiiyo mobile-ka in aad eegto waa saaxiib fiican, laakiin haddii aad
mobile kaga mashquusho waa adigoo qolkaaga cidlada ah ku jira oo kale
3. Goortii aad lacag amaahaneyso, ka deynso qof baasayste ah, dhanka xun wax
kasta ka eega, marnaba ma filayo in aad dib u soo celin doonto
4. Hadii
aad jeceshahay laba qof, dooro kan dambe sababtoo ah hadii aad si dhab ah u
jeclayd kan koowaad ma aadan jeclaateen kan labaad
5.
Lamaanuhu uma baahna in ay soo post-gareeyaan sawiradooda ama xiriirkooda si ay
dadka ugu cadeeyaan, waxay u baahan yihiin inay iyaga isu cadeeyaan
jaceylkooda. Haddii ay kala huraan uma baahna inay block isa saaraan ama
waxyaabo dhega hadal ah isu soo qoraan, sidaasi waa habka ugu foolxun xiriir ku
dhamaado
6. Haddii
idinkoo raba inaad (group photo) sawir koox ku gashaan ay kuu dhiibaan
camera-da oo ku yiraahdaan sawirka naga qaad, ha u qaadan inay ka wadaan adigaa
noogu foolxun! ee sawir fiican ka qaad
7. Qofka
Xaflad iyo Shir aan looga yeerin dalaq iska soo yiraahda ama dad si gaar ah u
sheekeysanaya soo dhex gala waxa loo yaqaan is-casume. Weligaa ha noqon
is-casume. Meel walba ka muuqo waa lagu muunad beelaa
8. Haddii
aad tahay shicib; wax ha xadin, been ha sheegin, wax ha khiyaamin sababtoo ah
Siyaasigu ma jecla Tartan
9. Haddii xiriirkaaga mar
kasta kaa oohiyo, Fariiso, neefso ka dibna waxaad is weydiisaa “Ma Basal baan
qabaa mise bini’aadan”
10. Waagi
hore Deris waxaa ugu xumaa kan ku yiraahda Dooradaada iga cesho, Waayadan dambe
Deris waxaa ugu xun kan Password ku xirta Internet Wifi-kooda
W/Q: Farah Cawaash
0 Comments